Skip to content
  • Home /
  • General information

Soomaali

Miyaad u baahan tahay ruqsad TV?

Dalka Ingiriiska, Channel Islands iyo Isle of Man, waxaad u baahan tahay ruqsad TV haddii aad isticmaasho waxyaabaha lagu daawado ama duubto adeegyada barnaamijyada TV sida looga soo daayo TV (ay ku jiraan adeega satelaytka dibeddu).

Taas waxa ku jira isticmaalka waxyaabaha soo socda:

  • Telefishan
  • Sanduuqa Digital-ka
  • DVD ama rikoodhka fiidiyaha
  • Kombiyuutar ama Laabtob
  • Telefonka Gacanta

Waxa keliya ee aad u baahan tahay waa hal ruqsad oo TV gurigaaba, xataa haddii aad isticmaasho tiro ka badan hal wax kuwaas kor ku xusan.

Ruqsadda TV qiimaheedu waa £142.50 sannadkii TV-ga midabka leh, iyo £48.00 sannadkii kan caddaanka iyo madowga ah.

Daawashada TV aan lahayn ruqsad saxa waa denbi. Haddii aad ku daawato TV adiga oo aan haysan ruqsad saxa, waxaad halis u tahay denbi iyo ganaax dhan ilaa £1,000.

Hoos waxaad ka heli doontaa dhammaan siyaabaha aad u iibsan karto ruqsad TV.

Fiiro ku sa'absan luqadda: Fadlan ogow in, haddii aad gasho xiriiryada goobaha internetka, waxa laguu hogaamin doonaa nuxur ku qoran Af-Ingiriisi. Haddii aad rabto inaad isticmaasho adeegayaga turjumadda ee telefonka, fadlan wac 0844 800 6728 lagana yaabo inaad la hadasho qof ku hadla afkaaga.

Sidaad u bixin karto ruqsadaada TV-ga

Bixinta Tooska "Direct Debit"

Sida ugu sahlan ee aad ku bixin karto lacagta ruqssadaadu waa Bixinta Tooska, oo kuu oggolaanaysa inaad bixiso bishii ama dhawrkii bilood mar, ama mar qudha wada dhiibto ujradda sannadkii. Marka aad sekinto Bixinta Tooska, ruqsadaada si toosa ayaa loo cusboonaysiinayaa sannad kasta, markaa mar danbe kama werweraysid ruqsad la'aan.

Waxaad ka sekimi kartaa Direct Debit internetka ama wac 0844 800 6728 adiga oo wata faahfaahinta bangigaaga oo idil. (Fadlan ogow in ay la socoto Bixinta Tooska ee Afar-biloodlaha lacag dheeraad ah oo ah £1.25 afar-biloodkii mar. Waxa kale oo aad ogaataa in bangiyada qaar iyo dhismayaasha bulshadu aany aqbalin Bixinta Tooska, markaas iska hubi marka hore.)

Qaabka Bixinta Lacagta Kaashka "TV Licensing Payment Card"

Si kale oo lagu bixin karo lacagta ruqsadaadu waa mashruucayaga Bixinta Lacagta Kaashka, oo kuu oggolaanaya inaad toddobaadkii ama laba-toddoblihii bixiso waxyar oo dhan £5.50 toddobaadkii. Wixii macluumaad dheeraada iyo sekimintaba, fadlan soo wac 08457 289 289 (Ingiriisi Keliya).

Internetka

Waxaad internetka ku bixin kartaa oo aad maarayn kartaa Ruqsadda TV. Markaas waxaad dooran kartaa inaad ku hesho ruqsadaada email licence by email, iyo dhammaan xiriiryada kale ee naga imaanaya. (Si sidaas loo sameeyo, waa muhiim in cinwaankaaga emailku ku qornaado keliya Af-Ingiriisi.)

Waxaad halkan ku bixinta Ruqsada TV - ama debit ama credit card ama aad ku sekimi Direct Debit.

Fadlan gacanta ku hayso faahfaahintaada bangiga oo diyaar u noqo in aad ku dhamystirto foomka bixinta Af-Ingiriisi.

Telefoonka

Haddii aad haysato kaarka debit ama credit sida Maestro, Delta, Solo, Visa ama MasterCard, waxaad telefon ku bixin kartaa Ruqasadda TV. Wac 0844 800 6728 adiga oo gacata ku haya faahfaahinta kaarkaaga.

(Haddii aad rabto inaad bixiso lacagta adiga oo isticmaalaya adeega telefonka ee turjumaanka, fadlan wac 0844 800 6728 lagana yaabo inaad la hadasho qof ku hadla afkaaga.)

Goobta "PayPoint"

Waxaad tegi kartaa meel kasta oo leh PayPoint si aad ugu gadato lacag ama debit card Ruqsadda TV. U sheeg lacag-hayaha magacaaga iyo cinwaankaaga.

Waxa jira in kabadan 19,000 goobood oo PayPoint dalka Ingiriiska, oo ay jiraan meelo lacagta lagu qabto sida dukaanka xaafadaada, subarmaarkitka ama garaashka. Goobo badan oo PayPoint ayaa saacado badan furan, toddoba maalmood toddobaadkii. Waxaad halkan ka heli kartaa goobaha PayPoint ama wac 0844 800 6799 (Ingiriisi keliya).

Boostada

Waxaad jeeg u diri kartaa TV Licensing, Bristol BS98 1TL. Fadlan ku qor 'TV Licensing' ujrada buuxda ee ruqsada oo xusuuso inaad ku qorto dhabarka magacaaga, cinwaankaaga iyo postcode. Fadlan ha dirin lacag kaasha.

Kaarka kaydka ee Ruqsada TV "TV Licensing savings card"

Waxaad u kaydin kartaa qiimaha Ruqsada TV si yaryar oo ah qadar la maarayn karo markaad adeegsato kaaraka kaydka. U qaado kaarkaas goob kasta oo PayPoint si aad wax ugu darto kaydkaaga adiga oo isticmaalaya kaash ama debit card. Haddii aad kaydsatay ujrad buuxda ee Ruqsada TV markay joogto cusboonaysiinta ruqsadu, waxaad si toosa boosta ku heli doontaa ruqsad cusub.

Si aad u hesho oo u dalbato kaarka Kaydka Ruqsada TV, fadlan wac 0845 155 0327 (Ingiriisi keliya).

Macluumaad waxtara

Dhawaan miyaad ka guurtay guri?

Haddii aad dhawaan guurtay guri, waa inaad na soo ogeysiiso si aan cinwaankaaga cusub ugu bedelo Ruqsadaada TV si aad u haysato mar walba ruqsadaada. Waxaad ka cusboonaysiin kartaa faahfaahintaada internetka ama naga soo wac 0844 800 6728.

Miyaad jirtaa 74?

Haddii aad jirto 74 oo aad noqonayso 75 kahor intaanay dhicin Ruqsad TV, waxaad u qalantaa inaad iibsato Ruqsad TV oo Muddo Gaabana. Taasi waxay dabooli doontaa cinwaanka gurigaaga ilaa dhalashadaada 75aad, markaad u qalanto Ruqsadda TV ee Da'da Kaweyn 75 jirka. Ruqsadda TV ee Muddada Gaaban, waa inaad bixiso tiro bilo ah oo u dhaxaysa taariikhda ruqsadaada cusub ee dhacaysa iyo dhalashadaada. Si aad u dalbato, fadlan wac 0844 800 6728 adiga oo gacanta ku haya lambarkaaga National Insurance. (Tan waxaad ka heli kartaa bayaanka bangiga haddii hawlgabkaaga lagu shubo xisaabta bangigaaga.) Haddii aanad haysan lambarka National Insurance, fadlan na soo wac si aan kuugu diyaarino nidaam cadaaynaya taariikhda aad dhalatay.

Miyaad jirtaa 74 ama ka weyn?

Haddii aad jirto 74 ama ka weyn, waxaad u qalantaa Ruqsadda TV ee Da'da Kaweyn 75 jirka ee cinwaankaaga guriga, haddii aad xataa la nooshahay qaraabo ama asxaab da' yar. Haddii aad haysato Ruqsadda TV ee Muddada Gaaban waxaad si toosa u heli doontaa Ruqsadda TV ee Da'da Kaweyn 75 jirka oo bilaasha markaad noqoto 75 jir. Haddii kale, waxa muhiima inaad dalbato mid oo wacdo 0844 800 6728 adiga oo gacanta ku haya lambarka National Insurance (Tan waxaad ka heli kartaa bayaanka bangiga haddii hawlgabkaaga lagu shubo xisaabta bangigaaga.) Haddii aanad haysan lambarka National Insurance, fadlan na soo wac si aan kuugu diyaarino nidaam cadaaynaya taariikhda aad dhalatay.

Miyaad indho la'dahay ama xoogaa aragtida ka naafo tahay?

Haddii adiga ama qof kale oo kula nooli indho la'yahay ama xoogaa indho daran yahay, waxaad u qalantaa in lagaa dhaafo 50% kaharshka Ruqsada TV.

Si aad u sheegato dhimitaankan, waa inaad keento nuqul dhokomenti sajilka indho la'aanta ama caddayn dhakhtarka indhaha oo sheegaya inaad indho la'dahay ama xoogaa indho daran tahay. Fadlan soo raaci nuqulka lamb.Ruqsada TV, lamb. telefonka iyo jeeg ku socda TV Licensing Blind Concession Group, Bristol BS98 1TL.

Haddii qofka indhaha la' ama indhaha daran aanu haddaa ku qornayn ruqsadda TV ee cinwaankaaga, marka hore ku soo wareeji ruqsada magaciisa, oo lagu samayn karo markaad soo wacdo 0844 800 6728.

Do you not use TV?

Haddii aanad isticmaalin TV, uma baahnid Ruqsadda TV. Laakiin waa muhiim inaad na ogeysiiso si aan u cusboonaysiino xogtaada. Fadlan wac 0844 800 6728 ama noogu soo qor TV Licensing, Bristol BS98 1TL oo noo sheeg inaadan isticmaalin TV. Sarkaalka Amniga ayaa ku soo booqan doona si uu u xaqiijiyo xaaladaas.

Miyaad ku nooshahay Channel Islands ama Isle of Man?

Fadlan ogow in xaalado gaar ahi saameeyaan Channel Islands iyo Isle of Man.

  • Gudaha Channel Islands iyo Isle of Man, waxaad Boostada ka iibsan kartaa Ruqsad TV. (Cariga Ingiriiska, Boostada kama iibsan kartid Ruqsad TV).
  • Gudaha Channel Islands iyo Isle of Man, ma jiro TV Licensing Payment Card scheme.
  • Gudaha Jersey, Guernsey iyo Sark, kuma bixin kartid ruqsadaada Bixinta Tooska ee Afar-biloodlaha (keliya Bixinta Tooska ee bishii ama sannadkii). Gudaha Isle of Man, waxaad Bixinta Tooska ah ku bixin kartaa bishii, afar-biloodkii ama sannadkii.
  • Gudaha Guernsey iyo the Isle of Man, waxaad dalban kartaa Ruqsada TV ee Dada Kaweyn 75 jirka ee bilaashka haddii aad jirto 75 ama ka weyn. Fadlan la xiriir DHSS.
  • Gudaha Guernsey, waxaad dalban kartaa Ruqsadda TV ee Dada Kaweyn 65 jirka ee bilaashka haddii aad jirto 65 ama ka weyn oo aad qaadato lacagta cayrta ee waddanka. Fadlan la xiriir DHSS.
  • In Jersey, waxaad dalban kartaa Ruqsadda TV ee Dada Kaweyn 75 jirka ee bilaashka oo aad dhaqaale yar tahay. Fadlan ka wac Jersey Social Security Department 445505.
  • Gudaha Sark, ma jiro Ruqsadda TV ee Dada Kaweyn 75 jirka ee bilaashka ama Ruqasada TV ee Muddada Gaaban ee 74 jirka.

Waxaad halkan ka heli kartaa faahfaahin dheeraada ama, haddii aad rabto inaad afkaaga qof kula hadasho, wac 0844 800 6728.

Fadlan ogow:

  • Markaad na soo wacdo ama noo soo qorto, fadlan xusuuso inaad tixraacdo lambarka ruqsadda TV-ga haddii aad leedahay mid.
  • Si loo ilaaliyo tayada, telefoonada u socda ama ka socda TV Licensing waa la duubi karaa oo lala socon karaa ujeedooyin tababar awgeed oo aanu si joogta ugu hubino in aanu ku wanaajino heerka adeega macmiilka.
  • Macluumaadka qofka ee aanu helno waxa isticmaali doonaa keliya TV Licensing Authority (the BBC) iyo bixiyayaasha adeegyadeeda si loo maamulo habka Ruqsadda TV-ga, oo ay ku jirto bixinta ruqsadda, ururinta ujrada iyo hirgelinteeda. Cid kale oo ka baxsan TV Licensing lama siinayo kahor intaand fasax lagaa helin, iyada oo ay nagu kelifto ama sharcigu noo fasaxo in aanu sidaas samayno mooyaane. Wixii su'aalo la xiriira dhawritaanka xogta waxa loo diri karaa Data Protection Manager, TV Licensing, Bristol BS98 1TL.

Qodobada iyo Shuruudaha

Qeexitaanada

Adiga waxaa loola jeedaa qofka lagu magacaabay shatiga. Qalabka TV'ga waxaa loola jeedaa qalabka soo qabto telefishinka.

Maxaa loogu baahan yahay shatiga TV'ga?

  • Si loo isticmaalo mid kasta oo ka mid ah Qalabka TV'ga sida TV set'ka, sanduuqa digital'ka, duubaha fiidiyowga ama DVD'ga, kombiyuutarka ama telefoonka gacanta si loo daawado ama loo duubo barnaamijyada TV'ga marka ay telefishinka ka socdaan.

Muxuu shatigaagu kuu ogolaanayaa?

Shatigu wuxuu kuu ogolaanayaa rakibidda iyo ku isticmaalka Qalabka TV'ka:

  • guriga shatiga leh qof kasta.
  • gudaha gaari, doon ama guryaha la jiido:
  • Adiga iyo qof kasta oo caadiyan kugula nool Adiga goobta shatiga leh (ilaa inta aan Qalabka TVga logula dhex isticmaaleyn guryaha la jiido ee aan ganacsiga aheyn goobta shatiga leh isla waqti).
  • qof kata, oo caadiyan ka shaqeeyo goobta shatiga leh (ilaa inta gaariga ama guryaha lajiido loo isticmaalayo arimo ganacsi).
  • Isticmaalidda Qalabka TV'ga ku shaqeynayo beteri gudaha uga jiro meel kasta:
  • Adiga iyo qof kasta oo caadiyan kugula nool Adiga goobta shatiga leh.

Waxyaalaha uusan shatigaagu dabooleyn?

  • Qayb ka mid ah gurigaaga oo ay si gaar ah u deggan yihiin dad kale, sida kireyste, hoteel ahaan u degane, marti lacag bixineyso.
  • Qayb gaar ah oo guriga ka mid ah.
  • Qayb kasta oo gurigaaga ka mid ah oo ay ku deggan yihiin dadk kale heshiis ama qaab kale (marka laga reebo qaybo ka mida ah guryaha goonida loo leeyahay).
  • Shati caddaanka iyo madowga ah looma isticmaali karo rakibaadda ama isticmaalka Qalabka TV'ga midabada leh marka laga reebo goobaha lagu rakibay sanduuqa digital'ka ah ama loo isticmaalo set'ka telefishinka caddaanka iyo madowga ah, ilaa inta uusan sanduuqa digital'ka ah aan loogu talo galin in lagu duubo barnaamijyada telefishinka.

Shuruudaha shatigaaga

  • Waa in la bixiyaa lacagta shatiga.
  • Shatiga waa la joojin ama celin karaa ama shuruudihiisa ayaa wax looga bedeli karaa ogeysiis loo soo diro Adiga ama ogeysiis guud oo lagu daabacayo barta internetka BBC'da iyo, haddii loo garto in ay tahay sida ugu haboon BBC'da, warbaahinta kale ee qaranka.
  • Saraakiisheen ayaa laga yaabaa in ay booqdaan goobta shatiga leh si ay u hubiyaan diiwaanadeena oo ay baaritaan ugu sameeyaan Qalabka TV'ga waqti kasta, laakiin waa in aadan in aadan u ogolaan in ay soo galaan gurigaaga.
  • Adiga Waa in aadan uusan u keenin arbushaad aan loo baahneyn raadiyayaasha kale ama telefishinada qalabka soo qabto Qalabka TV'ga aad leedahay.
  • Shatigaaga waxaa la bixiyay iyadoo la metelayo Hay'adda Shati bixinta oo hoos tagto awoodaha Shariciga Isgaarsiinta 2003.